Hanaanka shaqaalaysiinta iyo duruufaha shaqo ee kajira Somalia

Goob shaqo
Goob shaqo

Shaqaalaha waa tiir kamid ah kuwa ugu muhiimsan bulshada, waxay gundhig u yihiin wax soo saarka dalka iyo hormarka bulshada. In kabadan 90 wadamada adduunka waxa looga dabaal dagaa maalinka shaqaalaha adduunka, ujeedka waa in lagu wayneeyo waxtarka ay bulshada u hayaan lana dhiirigaliyo xaquuqda shaqaalaha.

Si looga hortago ama loo yareeyo shaqo la’aanta, dalalka adduunka waxay sameysteen nidaam shaqaalaysiin oo ka jawaabaya baahiyaha xaaladaha shaqo ee dal kasta iyo siyaasado u adeegaya hirgalinta nidaamkaas. Dalkeena dadka shaqayn kara 47% waa shaqo la’aan, Waxaa jiro waxyaabo badan oo qeyb ka qaatay shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya waxaana kamid ah; Maqnaanshaha dowlad si buuxda uga shaqeysa Dalka, amni xumida ka jirta qeybo kamid ah dalka, Kheyraadka dalka sida beeraha, kalluunka, iyo xoolaha nool wax-soo-saarkooda oo hooseeyaa, hannaanka shaqo siinta oo khaldan iyo fursadihii shaqo oo kusoo uruurtay meelo gaar ah. Sida lagu xusay daraasad SPA daabacday 

Waxaa kale oo xusid mudan inay jiraan shaqaale ajaanib ah oo ka shaqeeya shaqooyin ay qaban karaan muwaadiniinta dalka ee wajahaya xaladda shaqo la’aanta. Dowladda waxay ka gaabisay iney fuliso sharciga shaqada oo nidaaminaya hababka shaqaalaysiinta, xaquuqda iyo wajibaadka shaqada oo ay kamid tahay saacadaha shaqada, fasaxyada (annual leaves), shuruudaha shaqo bixinta iyo mudnaanta shaqada.

Dhaqangalin la’aanta sharciga shaqada (labour law) waxay sababtay in shaqa bixiyaha sida u doono u dajiyo shuruudaha shaqada, sidoo kalena go’aamiyo duruufaha shaqada iyagoo ka faa’ideysanaya duruufaha shaqo la’aneed ee dalka kajira. Shaqaalaha cabsi ay ka qabaan inay shaqada wayaan waxay aqbalaan dalabaad  kasta oo ka yimaada shaqa bixiyaha, waxay ahayd in dowladdu hubiso heshiisyada shaqo ee dhexmara loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha in ay waafaqsanyihiin sharciga shaqada iyo shuruucaha kale ee quseeya sida ku dhigan qodobka 47aad ee sharciga shaqada Sharci lr.65 ee 1972. Waxa a meesha ka baxay doorki dowladda ee nidaamka shaqaalaysiinta taas oo saamayn ku yeelatay guud ahaan shaqaalaha iyo suuqa shaqada Soomaaliya.

Nidaamka shaqo bixinta sharciga waxa uu abuurayaa diiwaanka shaqaalaysiinta oo ay maamusho dowladda, shaqo codsadaha waxa uu iska diwaan galinayaa diwaanka shaqaalaha ee dagmada uu daganyahay, shaqo bixiyaha waa inuu ka codsadaa shaqaalaha uu doonayo diwaanka guud ee shaqaalaha. Waxaa xusid mudan in sharciga mudnanta shaqada siinayo qofka dagan dagmada shaqada laga fulinayo ee ku jira diiwaanka shaqaaleysiinta, arrintaas oo suurtagalinaysa dheelitirnaanta suuqa shaqada iyo in qofku mudnaan ku helo degaanka uu daganyahay.

 

Fursadaha shaqada waa inuu muwaadinka somaliyeed mudnaanta helaa marka la barbardhigo ajaanibta laga shaqaalaysiinayo dalka, shaqo kasta oo qof muwaadin ah qaban karo qof shisheeye ah ruqsad looma siin karo inuu ka shaqeeyo sida uu nidaaminayo qodobka 3aad sharci lr.10 sharciga shaqo-qorista shaqaalaha shisheeye. Fulinta sharcigaan waxay xal u noqon lahayd ajaanibta ruqsad la’aanta ka shaqeysta soomaaliya iyo kuwa ka shaqeysta shaqooyinka ay ka fa’idaysan lahayeen muwaadiniinta.

Ugu dambayn, si wax looga qabto duruufaha shaqo ee dalka kajira ay kamid tahay dhowrista xaquuqda shaqaalaha iyo hirgalinta nidaam shaqaalaysiin oo hufan, dowladda waa inay qadaa talaabooyin, hirgalisana siyaasado u adeegaya fulinta sharciyada lagu nidaamiyo shaqada.

Qof kasta oo shaqaale ah waa inuu ku baraarugo xaquuqdiisa, kuna shaqeeyo heshiis shaqo oo sharcigu aqoonsanyahay, taas oo u suurtagalinaysa inuu ka dacwoodo maxkamadda haddii loo shaqeeyuhu jabiyo heshiiska shaqada. Waxaa kale oo muhiim ah in samafalayasha u dooda xaquuqda dadka nugul u qareemaan xaquuqda shaqaalaha sharcigu ilaalinta gaarka ah siinayo sida haweenka iyo dadka da’doodu yartahay.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top