Dib u eegista & Dhameystirka dastuurka iyo ka qayb galka muwaadininta
Hordhac
Dastuurku waa Dukumeenti leh xurmo sharci oo gaar ah, saldhig u ah Qaab dhismeedka Dowladda, Midnimada umadda, waxaa ku dhigan mabadi’da ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda, Datuurka waxa uu kala xadeeyaa awoodaha laamaha kala duwan ee dowladda (Baarlamaanka, Fulinta iyo Garsoorka), waxaa lagu qeexay xuquuqadka ay leeyihiin muwaadininta, waxa uuna hal-beeg u yahay dhamaan shuruucda kale ee dalka, sharci ama talaabo maamul ee kasta oo khilaafsan waa in laburiyaa siwafaqsan qodobka 4aad dastuurka.
Somalia waxay yeelatay ilaa 4 dastuur laga soo bilaabo 1960, kuwaas oo kala ah;
Dastuurkii 1960 waa dastuurki ugu horeeyey ee Somalia yeelato
Dastuurkii 1979, oo ah dastuurkii labaad ee Somalia yeelato
Dastuurkii 1990, asag oo an afti loo qaadin ayaa dowladdii burburtay
Dastuurka federalka KMG 2012, waa dastuurka dhaqan galka ah ee somalia. Dastuurka federal KMG waxaa la ansixiyay 1 August 2012, Dastuurkan oo hadda dib u eegistiisu socoto ayaan Qormadaan uga hadlayaa cidda awoodda u leh wax ka badalka dastuurka, hananka wax kabadlka dastuurka iyo ka qayb galka shacabka ee daadaha wax ka badalka dastuurka.
Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka
Hanaanka wax kabadalka iyo dib u eegista Datuurka waxaa logu sheegay cutubka 15aad ee Dastuurka federal ka KMG, Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal ayaa leh awoodda sharci ee wax ka badalka dastuurka, labada guddi ee kala ahGuddiga lasocodka dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa kala shaqeynaya si wafaqsan 133 & 134 ee Dastuurka KMG.
habraaca wax ka badalka Dastuurka sida waafaqsan Qodobka 132/3, sojeedin xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ama codsi ay saxiixeen ugu yaraan 40,000 oo muwaadiniin ah waa in lahelaa. Dastuurka federal ka KMG waxa uu qabyo yahay 12 sanadod, Baarlamaanki 9aad ee dalka ayaa loo asteeyey inuu dhameystiro dastuurka sida ku xusan Qodobka 136aad ee dastuurka. Baarlamaanka 9aad waxa uu sameyey dadaalo badan oo lagu dhameystirayo dastuurka, balse kuma aaney guulaysan. Sidaas darteed waxa uu soo saaray Sharci lr. 20 oo wax looga badalay dastuurka gaar ahaan Qodobada 136 & 60aad ee dastuurka, kuwaas oo quseeya muddo xileedka iyo dhameystirka dastuurka, waxaana masuuliyadda wax ka badalka dastuurka dib loogu dhigay muddo xileedka Baarlamaadka 10aad ee JFS. nasiib daro Baarlamaankii 10aad waa ku guul dareystay inuu dhameystiro ama wax kabadal kusameeyo dastuurka.
Hadda oo lagu jiro muddo xileedka Baarlamaanka 11aad, waxaa jirta fursad wanagsan oo lagu dhameystiri karo dastuurka, madama muddo xileedka Baarlamaanka waqti fiican u harsanyahay, lana dhaqan galiyey habraaci wax ka badalka dastuurka, sidokle ay shaqeynayaan guddiyadi u xilsaarna wax ka badalka iyo in la gudo galay doodihi baarlanka ee wax kabadalka dastuurka. Waxan boorinayaa in la xaqiijiyo doorka Bulshada rayidka ee wax ka badalka Dastuurka, Dastuurka waxa uu dhiirigalinayaa ka qayb galka dadweynaha ee doodaha ku saabsan wax ka badalka Dastuurka.
Marka loo fiiriyo warbixinta sanad laha ah ee guddiga lasocodka Dastuurka, si loo ogaado hufnanta kulamada lala yeeshay dadweynaha lama sheegin halbeeg tirada dadka ra,ayiga ka dhiibtay, tirada ka qayb gashay kulamada la qabtay iyo qaabka looga qayb galiyey. Sida ku xusan war bixinta guddiga, shan magaalo kaliya ayey guddiyada u xilsaaran wax ka badalka utageen latashiyada dadweynaha, taas waxay caddeynaysaa in dadweynaha la siin fursad ku filan oo ay ku cabiraan ra’ayigooda ku aadan wax ka badalka iyo dib u eegista dastuurka
Talooyin
Xaqiijinta ka qayb galka dadweynah oo daah furan, laguna bixiyey waqti ku filan waa arrin dastuuriya, waxay kor u qaadaysaa fahanka iyo ku dhaqanka dastuurka ee dadweynaha, waxay xoojinaysa hananka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka. Waa masuuliyad saaran guddiga la socodka hirgalinta dastuurka inuu xaqiijiyo in dadweynaha fursad ku filan u helaan ka qayb galka hanaanka dib u eegista dastuurka.
Waxaa muhiim ah in la sameeyo olole wacyigalinta dadweynaha ee kusabsan ka qayb galka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waana in la fududeeyo hanan ay uga qaybgalikaraan si hufnan leh haday noqoto in loo abuuro plattforms, in loo kaashado hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo maamulada degaanada ay ku noolyihiin. ujeedka kulamada lala yeelanayo dadweynaha waa ineysan noqon kaliya warbixino la siinayo, lakiin ay noqdaan kuwo ra’yiga dadweynaha kayimaada lagu daro soojeedinta wax ka badalka lagu sameynayo dastuurka.
Madama arrinta dastuurka ay tahay mid quseysa masiirka somalia oo dhan waa in la dhageysto tabashooyinka macquulka ah ee ay qabaan dowlad goboleedyada ee ku aadan wax ka badelka dastuurka. Waana in laga talo galiyaa siyaasiyiinta mucaaradka, si looga fogaado wax kasta oo keeni karo khilaaf iyo dib u dhac hor leh.
This site is phenomenal. The magnificent data uncovers the essayist’s excitement. I’m shocked and anticipate additional such fabulous posts.