waa maxay Dacwad ciqaab ah?

waa maxay Dacwad ciqaab ah?

 

Dacwada ciqaabta ah waxay timadaa marka fal dambiyeed ama ku xadgudub sharci dhaco, ha ahaado faldambiyeedkaa mid lagalay, la isku dayey, gacan laga gaystay, laga qaybgalay ama la abaabulay.

Siloyiraah waxaa jira dacwad ciqaab ah waa in marka hore la xaqiijiyaa mabda’a sharciyada dambiga (the principle of legality) mabda’aan waxa uu reebayaa in qofka loo ciqaabo fal aan sharciga dambi u aqoonsaneyn sidookle waxa u rebayaa in qofka lasaaro ciqaab an sharcigu dhigayn.

Mabda’a aan waxa uu kamidyahay kuwa Dastuurka KMG ee Somalia aqoonsanyahay sida ku cad Qodobka 35/13aad “Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii
uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawliga ah”  sidaas okle Xeerka Ciqaabta Somalia ayaa aqoonsan mabda’ aan sida kuxusan
Qodobka 1aad “Qofna laguma ciqaabi karo fal aan sharcigu si cad Dembi uga dhigin, lagumana ciqaabi karo
ciqaab aan si cad sharcigu u dhigin.”  iyo Qodobka 161 ee Xeerka Ciqaabta oo is a dhigaya ” Qofna lama hoos gayn karo tallaabooyin ammaan oo aan si cad sharciga ugu cadayn, lamana
marin karo tallaabooyin ka baxsan xadka sharcigu qeexay.” 

Marka lasugo mabda’a aan oo la xaqiijiyo in falka lagu eedaynayo qofka aw yahay mid sharciga dambi u aqoonsanyahay ayaa loo eedayn karaa qaabka sharcigu tilmaamey ee wafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta ee guud, hadii aaney sharcigu si kaduwan u sheegin.

Qaabkee dacwad ciqaab ah ku bilaabataa?

Haddii uusan sharciga si kale u tilmaamin oogista dacwooyinka ciqaabta ee caadiga ah waxay kabilabaneysaa  arimaha soo
socda midkood:

1. In la helo war bixin ku saabsan dhicitaan fal dembiyadeed; Warbixinta ku saabsan inuu dhacay fal dembiyeed uuna soo
gudbiyey sarkaal guud ama qof u xil saaran hawl guud ee
ogaada dhicitaanka fal dembiyeed ka mid ah kuwa qaran ahaan
ay waajib tahay inuu soo oogo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee
qaranka, waa in uu si dhaqsi ah ugu war geliyaa hay’adaha
shaqada ku leh si loo oogo dacwad ciqaab ah. Sidokle waxay kabilaban kartaa war bixin uu bixiyo sarkaal xirfadle caafimaad oo isagu markaasi war bixintiisa ku cadeeya inuu dhacay fal
dembiyeed ah kuwa qaran ahaan ama xafiis ahaan loo oogo.

2. In la helo ashtakooyin ku saabsan inuu dhacay fal dembiyeed; Ashtakada waxaa loola jeedaa qof kasta oo ay dhibaato kasoo gaarto fal dembiyeed aan ahayn kuwa qaran ahaan in dacwadooda loo oogo waxa uu gudbin karaa ashtako ama
dacwo hay’adaha ku shaqada leh si loo bilaabo oogitaanka dacwadda ciqaabta.

3. In la helo war ku saabsan inuu dhacay fal dembiyeed; Soo sheegidda dhicitaan fal dembiyeed ee dad weynaha, Muwaadin kasta oo ogaada dhicitaanka fal dembiyeed lid ku ah karaamada iyo jiritaanka qaranka oo uu sharcigu ciqaabtiisa ka dhigaayo dil ama xabsi daa’in waa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo sheegaa dhicitaanka dembigaasi.
Waajibkaasi waxa uu saaran yahay qof kasta oo muwaadin ah xitaa hadii uusan ahayn dhibane oo ogaada dhicitaanka fal dembiyeedyada xafiis ahaana in la dhaqaajiyo ay waajib tahay, waxaana loola jeedaa qaranka ayaa dhibane ka ah.

Marka la helo xaaladaha kor ku xusan midkood waxaa isla markiiba lagu hagaajinayaa hay’adaha ku shaqada leh oo kala ah:
A. Garsoore maxkamadeed
B. Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
C. Sarkaal kasta oo boolis ah

 

Baadhitaanka horudha ah ee Booliska

Kolkaa kadib police ka wuxu bilaabayaa baaris ku saabsan kiiska, baarista waxaa saldhig u ah warka dambiga iyo sida dacwaddu ku bilaabatay, ha noqoto warbixin la helay, warqadda dhaawac muujinta, wargalin iyo ashtako midkood.
Boolisku waa inuu tagaa goobta falku kadhacay, lana kulmo qofkasta oo baarista dacwada muhiim u ah sida Eedaysanaha, Dhibanaha iyo Marqaatiyada, sidokle waa inay ogadaan Boolisku waxyabaha laxiriira dambiga dhacay ayna ku wargaliyaan Maxkamadda awooda u leh iyo Xafiiska Xeer ilalinta.
Marka lagu jiro wakhtiga baadhitaanka ee loo arko inay lagama maarmaan tahay amar xidhitaan ama mid fatashaadeed ama mid xayiraadeed, sarkaalka booliiska ee fulinaya baadhitaankaasi waxa uu ka codsanayaa Maxkamadda awooda u leh amarka noocaas ah, waxaanu isla markaasi ogaysiinayaa Xeer Ilaaliyaha Guud.

Xaalada degdega markay lama huraan tahay, Sarkaalka Booliska ah ee fulinaya baadhitaanku, waxa uu isagoon wadan amar Maxkamadeed:

Xidhi karaa qofka uu uga shakiyo inuu dembi galayo, si waafaqsan Qodobka 38 XHCS.

Fulin karaa fatashaad ama xayiraad si waafaqsan Qodobka 58 XHCS.

 

Horgaynta Garsooraha

Qofka la xidhay amar Maxkamadeed la’aantii waa in isla markaba iyo xaalad kasta waqti aan ka badnayn 48 saacadood, marka laga soo bilaabo wakhtigii xidhitaankiisa, lagu horgeeyaa Maxkamad awood u leh, amase Maxkamadda ugu dhow goobta lagu xidhay; iyadoo waqtigaa la sheegay ee 48 saacadood ah aanu ku jirayn waqtiga loo kala soconayo goobta xadhigu ka dhacay iyo goobta Maxkamaddu ku taal.
Sarkaalka Booliska ah ee qofka xidhan horgeeyey Garsooraha, waa in uu, u gudbiyaa Garsooraha war kooban oo iftiiminaya:
Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha xadhiga;
Caddaymaha la helay oo faahfaahsan;
Marka ay suurtogal tahay faahfaahin astaamaha guud ee:
Qofka la xidhay, Dhinaca dhibanaha, Ruux kasta oo haya war la xidhiidha faldambiyeedka.

Garsooraha marka uu darso xogtaasi kooban haddii uu, u arko in dacwadu waa faqsantahay tilmaamaha farqada 2aad ee Qodobka 70XHCS waxa uu amrayaa in lasiidaayo si waafaqsan 77XHCS.

Haddii xidhitaanka eedaysanaha aan loohaysan amar maxkamadeed ama aan lagu fullin si waafaqsan tilmaamaha Qodobada 35, 36, 38 iyo 50 ee XHSC; Garsooraha waxa uu amrayaa in lasiidaayo.

Xaaladah kale wuxuu ansixinayaa xadhiga qofka xidhana wuxuu u dirayaa xabsi ku hayn ku meel gaadha, marka aanu dammiin ku siidayn qofka xidhan si waafaqsan Qod: 59 & 60XHSC.

Xabsi ku meel gaadha

Garsooruhu Haddii uu ku qanco cadaymaha hordha ah  uuna ansixiyo xidhitaanka waa in uu
U sharxaa qofka xidhan nuxurka eeda loo haysto, Ku wargeliyaa qofka xidhan in marxaladan dacwadu marayso aan looga baahnayn in uu bixiyo wax war ah, balse war kasta oo uu bixiyo loo adeegsan doono cadaymo isaga lid ku ah. Qoraa war kasta oo qofka xidhani bixiyay.
Sida ku cad Qodobka 47XHCS mudada ugu badan ee Qofku xabsi kumeel gaar ah kujirikara waa 180 Maalmood.
Mudadaas gudaheeda waa in xafiiska xeer ilalintu u gudbiyaa Maxkamadda awooda uleh dhagaysiga Garmaqalka eeda loo haysto Eedaysanaha.

1 thought on “waa maxay Dacwad ciqaab ah?”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top